Fiqi oo ku Hanjabay in maamul is diidan ay ka dhismayaan Galmudug

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadiisu tahay Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay ku socoto wado ay uga dhismi karaan laba Maamul.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed ducaale Geelle xaaf looga baahan yahay in uu u turo Shacabka Galmudug,isla markaana ay haboon tahay in Galmudug loo daayo hal maamul.

“Runtii Galmudug waxaa ay ku socotaa waddo ay laba maamul oo isdiidan ku dhismi karaan,hadii uusan tanaasulin xaaf,waxaana dalbdanayaa in Shacabka loo turo oo hal mamaul loo dhiso ayuu yiri” Axmed Macalin Fiqi.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dadka ku nool deegaananda Galmudug uusan xilligaan ka dhex jirin wax khilaaf ah,hayeeshee kaliya ay u baahan yihiin Maamul samatabixiya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here