FC Porto Vs Liverpool: Kulankooda Champions League Guruub-ka B, Hordhaca iyo Shaxda Kulanka

Liverpool ayaa isku dayi doonta inay laba guul ka gaarto labada kulan ee Champions League 2021-2022 marka ay u safraan Estadio do Dragao kulanka Group B ay la leeyihiin Porto .

Kooxda Sergio Conceicao ayaa ku furtay ololaheeda qaarada iyagoo barbaro goolal la’aan ah la galay Atletico Madrid, halka Reds ay 3-2 ku garaacday AC Milan ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday Anfield.

Wararka Labada Kooxood

FC Port: Chancel Mbemba ayaa ganaax ku maqan kadib casaankii uu qaatay Madrid labo isbuuc ka hor iyadoo Pepe uu shaki ku jiro, Ivan Mercano ayaa laga yaabaa inuu daafaca dhexe la wadaago Fabio Cardoso.

Agustin Marchesin ayaa ku dhow inuu ku soo laabto taam ahaanshihiisa, laakiin Sergio Conceicao ayaa la filayaa inuu aamino Diogo Costa ka dib markii uu rigoore qasaariyay Gil Vicente Jimcihii.

Marko Grujic ayaa diyaar ah waana inuu ku soo bilowdaa kulanka kooxdiisii ​​hore.

Liverpool: Neco Williams ayaa la qiimeyn doonaa, inkastoo aysan u badneyn inuu ku soo bilowdo, halka Jurgen Klopp ay ka maqan yahay labada xiddig ee qadka dhexe Thiago iyo Harvey Elliott. Naby Keita ayaa ugu yaraan tababar qaatay.

Klopp ayaa laga yaabaa inuu isbedelo sameeyo ka hor kulanka isbuuca dhammaadka ee Manchester City, iyadoo Roberto Firmino, Joe Gomez, Kostas Tsimikas iyo Ibrahima Konate ay saf ugu jiraan inay ciyaaraan.

Curtis Jones iyo James Milner ayaa u tartamaya inay qaataan booska khadka dhexe ee ugu dambeeya laakiin kan dambe ayaa laga yaabaa in mar kale looga baahdo daafaca midig.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Porto: Costa; Corona, Cardoso, Marcano, Wendell; Otavio, Oliveira, Grujic, Diaz; Taremi, Martinez

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Gomez, Tsimikas; Henderson, Fabinho, Jones; Salah, Firmino, Minamino

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

FC Porto ayaa wajahday Liverpool siddeed jeer oo hore tartamada Yurub – lix ka mid ah waxay ku jireen UEFA Champions League – halka ay weli raadinayaan guushoodii ugu horreysay oo ay ka gaaraan Reds (bar-baro 3 guul daro 5).

kulankan ayaa noqonaya markii shanaad oo ay Liverpool wajahdo FC Porto tartanka UEFA Champions League tan iyo markii Jürgen Klopp uu noqday tababaraha kooxda – waxay badiyeen kulamo badan (3), waxay dhaliyeen goolal ka badan (11) waxayna shabaqooda ilaashadeen (3). marka loo eego kuwa kale ee ka soo horjeeda tartanka intii uu Klopp hogaaminayay.

FC Porto ayaa dhalisay kaliya hal gool afartii kulan ee UEFA Champions League ee ay la ciyaartay Jürgen Klopp Liverpool (D1 L3), inkastoo ay isku dayeen 45 darbo kulamadan. Dhanka kale, Liverpool ayaa shabaqa soo taabatay 11 jeer 54 isku day oo ay ka hortagtay muddadan.

FC Porto Vs Liverpool

Tartanka Champions league

Saacada (22:00pm Somalia) (21:00pm Yurub)

Garoonka Estadio do Dragao

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com