Fatahaado hor leh oo ka bilaawday xaafado ka tirsan Beledweyne

Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay u muuqdeen dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne kuwo ka soo kabanaya Fatahaadihii dhawaan uu wabiga Shabeelle ka geystay magaalada Beledweyne, ayaa haddana dhinaca kale waxaa mar kale jirta cabsi laga qabo fatahaad hor leh oo uu sameeyo wabiga Shabeelle.

Qoysas dhawaan uun soo guryo noqday magaalada ayaa hadda bilaabay mar kale in ay uga barakacaan xaafadda Xaawa-Taako ee magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle oo wax ka yar 1 mitir u jira heerka cabirka guud fatahaadda.

Sidoo kale qeybo ka mid ah gobolka waxaa mar kale dib uga curtay roobab Deyrta, iyadoo xiligan Roobab xoog leh laga soo sheegayo degmooyinka Buula-burte iyo Halgan oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhaqan deegaannada Mustaxiil, Qalaafe iyo Buur -Ukur oo ka wada tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya inay jiraan biyo xoog leh oo waddo Wabiga taasoo sare u sii qaadeysa baqadinta ay ka qabaan bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne, eek u aadan in fatahaaddo hor leh uu sameeyo wabiga Shabeelle.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here