FARMAAJO oo ku adkeysanaya mowqifkiisa doorasho ee Qof & Cod & qorshaha cusub oo..

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shirweynaha Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa ka warbixiyey Geeddi socodka dheer ee loo soo maray sidii shacabka Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaan ay ku aaminayaan talada dalka oo uu ula jedo inay dhacdo doorasho qof iyo Cod ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaxaajoodka ku saabsan dhammeystirka hannaanka doorashooyinka iyo khayraad wadaagga la furtay Dowlad Goboleedyada bilowgii muddo xileedkiisa, taas oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in wadatashi iyo midnimo loogu guuro hannaanka doorshaada loo dhanyahay.

“Danta guud in aan ka shaqeyno waa masuuliyad ina wada hortaalla. Rajadu maanta aad ayey u wacan tahay. Shacabka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay ku kalsoodaan hor u socodka siyaasadeed ee dalkeenna ayuu yiri.” Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ka qeyb galka shirkan iyo dadaalka ay ku bixiyeen sidii looga mira dhalin lahaa, iyada oo mudnaanta la siinayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo horumarka dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Dowlad Goboleedka Galmudug, bulashada iyo waxgaradka deegaanadan soo dhaweynta diirran iyo martigelinta qiimaha badan ee ay u sameeyeen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII