Farmaajo iyo Qays – Maxay wadaagaan xagga aragtida?

Dhawaanahaan warfidiyeenka adduunku waxay mashquul ku ahaayeen fallanqaynta dhacdo dhabanahays ku noqotay dadkoo idil! 

Arrinka filan waa’ga noqday wuxuu ahaa: in Qays Siciid madaxweynaha jumhuuridda Tuunis ( Tunisia)  uu kala diray barlamankii dalkaas, joojiyayna ku shaqaynta dastuurka, dhammaan shaqooyinkii hay’adaha garsoorkana uu isagu gacanta ku dhigay. 

Talaabadaas – filan waa’ga ku noqotay dunidoo idil- waxay muujinaysa kaligii-talisnimo uu la soo baxay macallinkii “qaanunka dastuuriga ah” ee jaamacadaha Tuunis.

Waa dalkii kaliya ee ka badbaaday hirarkii “Gu’ga Carabta” waa dalkii xorriyadda ee uu maansayahankii caanka ahaa “Abuul-Qaasim Al-Shaabi” ka tirayay tixdii taarikhda gashay ee “IDAL SHACBU YOOMAN ARADAL AL-XAYAAT). Maantase, Tuunis waxay u muuqataa in ay god mugdiy ku dhacday. 

Qays Siciid waa 63 jir, wax ku bartay dalkiisa iyo dibaddaba, isagoo shahaadada sare ee takhasuskiisana ka  soo qaatay Talyaaniga. Wuxuu bare-sare ka noqday qaar ka mid ah jaamacadaha dalkiisa ee Tuunis. 

Dayrtii 2019-kii ayaa doorasho dad weyne uu ku noqday madaxweynihii 7-aad ee jamhuuriyadda Tuunis. Intii uu ku guda jiray ololihiisa siyaasadeed wuxuu hantay quluubta dadweynaha Tuunis, wuxuu ka sheekayn jiray sida uu barwaaqo u gaarsiin doono muwaadiniinta aan heli karin nolol-maalmeedkooda, ugu qareemi doono, wax uga qaban doono dhibaatooyinka haysta. 

Badiba, wuxuu ku hadli jiray Afka Carabiga fasiixa ah, wuxuu iska dhawri jiray adeegsiga “lahjadda” arrinkaas ayuu ku macnayn jiray: in uu yahay ruux aan haybtiisa doorin, welina ku faro-adeeygaya dhaqankiisa iyo afkiisa hooyaba! 

Dhamaadkii bishii July  sannadkaan aan ku guda jirno ee (2021) ayuu Qays Siciid soo saaray wareegto uu ku kala diray golayaashii dowladda Tuunis, isagoo cuskaday -siduu sheegay-  qodobka 80-Aad ee dastuurka dalkaas! 

Haddaba, aan u dhaadhacno ubucda dhambaalkayga ee nuxurkiisu yahay: is-bar-bardhigga labada hoggamiye ee kala ah: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Qays Siciid.

Maxay wadaagaan xagga aragtida siyaasadeed? Sidee u maareeyeen dalalkooda? Muxuu yahay raadka ay ka tageen?!!

Su’alahaas iyo kuwa kaleba ayaa ka guuxaya maankayga, waxaan in badan u fiirsaday sida labadaa hoggaamiye ay u maran-habaabiyeen dadkooda, sida ay ugu ciyaari karaan caqliga shacabka, u adeegsan karaan warbaahin u durbaan tunta, ugu dadaalayaan -labaduba- in ay noqdaan madaxweynayaal aan waligood kursiga bannayn!

Ku dayasho! 

Ma aha arrin ugub ah in hoggaamiye kastaa uu yeelan karo mid kaloo uu ku daydo, waa taxane soo jireen ah, haddaan tusaale dhow u soo qaadanno madaxweynihii Tuunis ee kacdoonkii “Gu’gii Carabta 2011” talada dalka qabtay “Abuu Munsif Al-marzuuqi”  waxaan in badan ka akhriyay -dhambaaladiisii joogtada ahaa ee uu qori jiray- in hoggaamiyihii Koonfur Africa Nelson Mandela (1918-2013) uu ahaa ruux uu ku daydo xagga siyaasadda, ma ahayn arrin uu qarsan jiray dhaqtarkaas bidixda fog ahaa, dabadeedna la shaqeeyay xisbi Islaami ah (Al-Nahda oo ah xisbiga aqlabiyadda barlamanka Tuunis) noqdayna hoggaamiye si xushmad iyo nabadba ku dheehan tahay u wareejiyay taladii dalka Tuunis. 

Anigu, qof ahaan, waxaan xaqiiqsaday in “Abuu Munsif Al-Marzuuqi” uu ahaa hoggaamiye ka dhabeeyay aragtiyadii uu qori jiray ee lagu daabici jiray warbaahinta dunida Carabta kuwooda ugu afka dheer. 

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in Aadam Cabdulle Cismaan (1908-2007) madaxweynihii ugu horreeyay markaanu madax-bannaanida qaadannay uu yahay hoggaamiye uu ku daydo, sawirkiisa ayuu ku xardhay darbiyada madaxtooyada “Villa Somaaliya” ficillada ka soo fulayase, dhammaantood waa kuwa muujinaya xil isku dhajin, awood maroorsi, la dagaallanka waxay Soomaali ku heshiisay, dhinac-mar dastuurka ah. 

Haddii – Alle ha u naxariistee- madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya uu xilka si nabad ah ku wareejiyay, Farmaajo uma muuqato arrinkaas, waxa uu hammuun iyo harraadba u qabaa kursi. 

Madaxweyne Qayska Tuunis, markuu loolanka doorashada ku jiray wuxuu ballanqaaday in maamulka uu baahin doono, ogolaynna in awoodaha dowladnimo ku aruurto gacan kaliya; maanta oo uu yahay madaxweynaha Tuunis isaga ayaa xukuumaddii madax u ah oo ay wax kasta ku soo dhamaadaan; wuxuu guluf-colaadeed la galay raysul-wasaarohii dalka, guddoomiyihii barlamanka, madaxdii garsoorka, meel uu dalka u wadana cid saadaalin kartaa ma jirto! 

Sidaas si la mid ah ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu uga horyimid wax kasta oo uu ballanqaaday. Labada hoggaamiye waxay wadaagaan nacaybka dastuurka ay madaxda ku yihiin, midkoodna ma oggola ku dhaqankiisa! 

Qodobbo Dastuuri ah! 

Markii uu Qays Siciid kala dirayay golaha sharci dajinta ee dalka Tuunis wuxuu cuskaday qodobka 80-aad ee dastuurka dalkiisa; kaas oo qeexaya in madaxweynuhuu kala diri karo barlamanka marka uu dalka xaalad khatar ahi ay soo foodsaarto. 

Tuunis iminka wax halis galin kara jiritaankeeda qarannimo kama dhicin, madacweyne Qaysna wuxuu cuskaday qodob aan xiriir la lahayn tilaabada uu qaaday! 

Sidaas si la mid ah, ayaa madaxweyne Farmaajo ku soo saaray wareegtooyin uu ku carqaladaynayay xafiiska raysul-wasaaraha intii lagu guda jiray baaritaankii gabadhii la afduubay Ikraam Tahliil.

Waraaqihii tirada badnaa ee uu madaxweyne Farmaajo soo saaray waxaa dhammaantood uu ku xusay qodobka 87-Aad oo farqadiisu “C” qeexayso in madaxweyne Farmaajo uu yahay ilaaliyaha guud ee mabaa’dida dastuurka. 

Qodobkaas cuskashadiisu ma aha mid ku habboon dhacdada meesha ka dhacday, ee waa ka shaqaynta nidaamka Federalka ee dalku leeyahay iyo dhamaysirka dastuurka ku-meel-gaarka ah. 

Farmaajiyo Qays waa laba hoggaamiye oo aad u yaqaan humaag isku qarinta, fasiraadda dastuurka sida ay iyagu doonayaan.

Igu sawir !

Labada hoggaamiye waxay aad u jecelyihiin adeegsiga warbaahinta, mudane Qays muddaba markuu joogo wuxuu la kalmaa warbaahinta dalkiisa ka hawl gasha, isagoo dhoolatus xagga aftahammada luuqadda ah soo bandhiga, ma ogola in saxafiyiintu su’aalo weeydiiyaan, ta baddalkeed wuxuu ku dul akhriyaa casharro xagga dowlad-wanaagga ah iyo in warbaahintu ka shaqeyso dowlad-dhiska, dulucduse, waa in warfidiyeenku u sawiraan isagu in uu yahay hoggaamiye aragti leh! Waa barti-yaqaan, tiisa mooyee, aan tu kale aqoon! 

Dhanka Farmaajo ma leh isagu aftahammo uu ku xardhan karo tiraabtiisa, wuxuuse la wadaagaa Qays, in aanu jeclayn weeydiimaha warbaahinta, dhammaan khudabadihiisu waa kuwa diyaarsan. 

Waxay labaduba xoogga saaraan in ay majaraha ka lumiyaan shacabka, adeegsadaan caadifad wadaniyadeed, halkeenaan Soomaaliya waxaa aad u faafay “Farmaajo ii geeya” Tuunisna wuxuu Qays ku qalbi-diirsadaa “KULUNAA QAYS SICIID” oo iyadu tan hore la macne ah!

Raadka ay ka tagi doonaan waa mid taban, waa mid dhaawici doonaa dareenka shacabka ay xukumaan, waxay horseed u noqon karaan in aan la aaminin qof kastoo Sheegtaa hufnaan iyo dhawrsanaan, labuduba dadka waxay ku sireen is-dabcin, qunyar socod aan dhagar ka marnayn, horay ayay Soomaalidu u tiri “ Abeeso dhul u eki bay kugu dishaa, wadaadna dad u eki.”! 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Warkii.com. Warkii.com, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid


Source: warkii.com