Faransiiska oo ugu dambeyn qirtay iney taageero siin jireen Maleeshiyaadka Khalifa Xaftar iyo nooca taageero oo ay sheegeen

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska ee Jean-Yves Le Drian ayaa maalinimadii Arbacada qirtay in waddankiisa uu taageero siyaasadeed siiyo Janaral Khalifa Haftar iyo Maleeshiyaadkiisa ka dagaalama Liibiya.

Wasiirka oo kahor hadlaayay guddiga arrimaha dibada ee France ayaa yiri: “Waxaan maqlaa waxyaabo badan oo ku saabsan in Faransiiska ay doorteen garab siinta Khalifa Xafter, balse waxaa muhiim ah in la caddeeyo arimaha jira oo dhan, annagu ma siino ayaga taageero milatari balse waxaan siinaa talooyin iyo taageero siyaasadeed.”.

Wasiirka ayaa Wuxuu intaas ku daray in Paris “aysan dhinacna la safanayn dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya Libya,” isagoo carabka ku adkeeyay inay wadahadalo la leeyihiin dhammaan dhinacyada isku haya Liibiya wuxuuna ugu baaqay in markale miiska wadahalka la isugu yimaado si looga fogaado dagaal kale oo lagu hoobto inuu dhaco.

Waxaa xusid mudan in France dhowr jeer horay loogu eedeeyay iney taageero Milatari oo dhanka hubka gaar ahaan diyaaradaha qumaatiga u kaco ku taageertay maleeshiyaadka Khalifa Xaftar kuwaasoo dagaal culus kula jira xukuumada Faayiz Al-Siraaj ee caalamka aqoonsanyahay.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII