Fahad iyo Muudey oo durbadiiba bilaabay xulista Ra’iisal Wasaaraha badali doono Kheyre

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute


Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yasin iyo Gudoomiye K/ Xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Muudeey ayaa saacadihii u danbeeyay waxa ay bilaabeen in ay xirir la sameeyaan shaqsiyaad ay u arkaan in ay badli karaan Xasan Cali Kheyre, kuwaas oo ay rumaysan yihiin in ay ilaalinayaan danahooda gaarka ah.

Fahad ayaa waxa uu saacado ka hor waraysi qadka taleefanka ah kula yeeshay dhowr shaqsi kuwaas oo uu ku amray in ay si deg deg ah dalka u soo galaan labo kamida musharaxiintaas ayaa berito ku imaanaya diyaarad ka imaanaysa Turkiga iyo dalka Itobiya.

Shaqsiyaadka ay Fahad Yasin iyo Cabdiwali Muudeey ku qasbayaan Farmaajo in uu ka xusho Ra;iisal Wasaarayaal  kala ah

  1. Cabdikarin Xuseen Guuleed
  2. Cali Maxamed Geedi
  3. Dahir Maxamuud Geele
  4. Tabid Cabdi Maxamed
  5. Nuur Fuursade
  6. Dr Cabdinasir Maxamed

Sida looga bartay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Go’aanka ugu danbeeyo cida dalka ka noqonaysa Ra’iisal Wasaare waxaa go’aankeeda gaarayo Fahad Yasin. Su’aasha isweydiinta u baahan waxa ay tahay, Dowlad Goboleedyadu ma ogolaan doonaan Fahad in uu markale go’aan ka gaaro hogaanka xukumaada, sidoo kale muxuu noqon doonaa jawaabta ka imaanaysa Madasha Xisbiyadda Qaran.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Fahad iyo Muudey oo durbadiiba bilaabay xulista Ra’iisal Wasaaraha badali doono Kheyre appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII