Faarax Sh. C/qaadir Oo Weji gabax Kala Kulmay Axmed Madoobe,Seeraar & Xiddig

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa maalmahaan dambe kusugnaa Magaalada Kismaayo kaas oo kulamo kawaday.

Faarax C/qaadir ayaa la sheegay in uu isku dayey Xal u helida Xasarada siyaasadeed ee ka dhex jirtay Dawlada iyo Jubbaland.

Ilo xog ogaal ah oo kismaayo kusugan ayaa Warkii Online usheegay in Xildhibaan Faarax uu siyaabo kala duwan ula kulmay Mucaaradka Jubbaland iyo Dawlada Hadda sii shaqeneysa Ee Deegaanka ka jirta.

Warar ayaa sheegaya inuu talo ahaan usoo jeediyey Faarax Sheekh C/qaadir Madaxweyne Axmed Madoobe inuu tanaasulo oo xilka Jubbaland Baneeyo taas badelkeedana uu keensado Shakhsi Maqaar saar ah oo xukunka isaga si maldahan umaamusho.

Soo jeedintaas waa uu ka biyo diiday Axmed Madoobe islamarkaana shaaca ka dhigay in dhiig uu kusoo bixiyey Qabashada Kismaayo iyo unkitaankii Jubbaland sidaa awgeedna aysan sahal ku bixin doonin.

Sidoo kale Faarax Sheekh C/qaadir ayaa la kulmay C/rashiid Xiddig iyo C/naasir Seeraar oo ah Xubnaha aadka umucaaradsan Axmed Madoobe,oo weliba waxay sheegteen in Madaxweyne ka yihiin Jubbaland.

Seeraar iyo Xiddig labaduba waa ay diideen dalabka Faarax C/qaadir oo ah inay tanaasulaan oo ay uturaan dadka iyo Deegaanka Jubbaland,iyagoo sheegay in Axmed Madoobe uu fudud yahay meeshana uu ka tego.

Weji gabaxa uu la kulmay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa kusoo aadeysa xilli labo cisho kadib Axmed Madoobe isku diyaarinayo inuu Xaflad Caleemo saar ah ku qabsado Kismaayo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here