(Faallo) Dareenka madaxdii ka hadashay Shirka wadatashiga xukuumadda dhexe & DG

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: 3 minutes

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
198 days
07 hours
01 minutes
01 seconds

Go’aanka lagu qabanayo munaasabadda xiritaanka heerka 1aad ee Shirka wadatashiga Xukuumadda dhexe iyo DG oo muddo 4 maalin ah kasocday madaxtooyada Galmudug waxa uu soo baxay 3 saac kahor dhicitaanka munaasabadda xiritaanka Shirka, waxa aad u cakiray arrinta Saddex qodob oo laba kamid ah lagu soo bandhigay munaasabadda midka kalana aan si cad loogu sheegin War-murtiyeedka Wadajirka ah ee ay soosaareen madaxda labada heer ee Dowladda federaalka, Saddexda qodob ee kudhowaaday in ay sabababaan in aan laba soosaarin wax war ah ayaa kala ahaa

  1. Soosaaridda War-murtiyeed xambaarsan dhammaan qodobada ay islagartaan madaxdu
  2. ku xusidda War-murtiyeedka faahfaahinta doorashada (Waqtiga, Nuuca iyo Heerka)
  3. Howsha Baarlamaanku wado ee ku saabsan doorashooyinka.

Dareenka Madaxweyne Farmaajo

22 daqiiqo ayuu hadlay madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisu ugu dambeeyey Shirka, in kudhow 4 daqiiqo waxa uu si gaar ah uga hadlay DG Galmudug iyo madaxweynaheeda,  Bisinka & u Mahadcelinta Alle kaddib waxa uu si guud ugu mahadceliyey raisalwasaaraha iyo madaxweyneyaasha DG iyo si gaar ah magaalada Dhuusamareeb, waxa uu Ammaan iyo faa’iido siyaasadeed u sameeyey madaxweynaha Galmudug, waxa uu muujiyey sida uu Axmed Qoorqoor ugu guuleystay muddo gaaban in uu isu keeno dadkii ka aragtida duwanaa, waxa uuba madaxweynuhu isaga oo qoslaya tilmaamay in Axmed Qoorqoor xukuumadda dhexe kasoo kexeeyey qaar kamid ah siyaasiyiinya mucaaradka ah, tallaabadaasna waxa uu ku sheegay in ay kadhigan tahay Kalsooni uu qabo madaxweynaha DG Galmudug iyada oo aan la fiirin kala aragti-dwuanaanshaha siyaasadeed, waa sii hadlay oo waxa uu yiri: “Waxa aan farayaa xukuumadda in ay kusiiso muhiimad gaar ah ayna raadiso si kasta oo ay Galmudug u caawin karto

Waxa ay u muuqatay farriin gaar ahaaneed oo quseyso doorashooyinka islamarkaana ku socota RW Xasan Cali Kheyre oo loo arko in uu Abaal siyaaseed gashaday Galmudug sidaas awgeedna uu ka sugayo in ay dib u soo celiso, ugu yaraan madaxweynuhu haddii uu xilli-madaxeed kale isu sharraxo waxa uu Galudug uga fadhiyaa in uu wax ka helo Abaalka isyaasadeed ee xukuumaddiisu u gashay Galmudug.

Muxuu kayiri Kulanka Wadatashiga

Waxa uu ku sheegay in yahay kulan dabasocda kulamo hore oo baaqday, kuwaas oo ay suuroobi weysay in ay dhacaan sababo uu ku sheegay in ay jireen, waxa uuna mar kale uga mahadceliyey madaxweynaha Galmudug in uu qaato qabashada iyo mas’uuliyadda kulankaas isaga oo jooga muddo kooban, waxa ku tilmaamay shirka mid quseya masiirka iyo mustaqbal Waddanka, waxa uu carrabaabay sida uu u jecel yahay in uu la yimaado aragti iyo qaab-doorasho oo kaduwan hababkii ay la yimaadeen madaxdii ka horreysay!
Anigu waxa aan ku imid doorasho dadban oo aan dalka hore uga dhicin, waxa ka horreeyey doorasho ay oday dhaqameedyadu soo xulayeen, labada waa ogeen culays badan ayaa saarnaa! dadkuna waxa ay qabeen Walaahow, Wareerna waaba waalnaayeen sidii ay ugu soo noqon lahaayeen awgeed

Waa garnaqsaday, waxa uu sheegtay wixii uu kaqabtay sidii Waddanku u geli lahaa doorasho qof iyo cod ah, waxa uu cod & dareen kaduwan kiisii hore ku sheegay sida xukuumaddiisu awood u gelisay diyaarinta siyaasadda loo dhan yahay (Inclusive political processes) wejigiisa ayaa isu bedbedelayey hadba sida codkiisa iyo xogta uu sheegayo isu beddelayeen, madaxweyne Farmaajo oo dareensan in Warar iyo xogo badan oo kaladuwan oo kusaabsan doorashooyinka iyo qaabkooda ayy Siyaasiyiinta iyo Warbaahintu u sheegayaan dadweynaha “Waxa aan ogahay in aan lagu noqon karin waxyaabihii aan horay u soo marnay, haddi aan ku noqonana nalagu eedeynayo in aanaan waxba ku darin oo aan joogno meeshii ay joogtay 2016, waa  ogtihiin siyaasigu waxa uu rabaa wax uu ku faano oo uu yirado waxbaan gaaray! kuma faani karo 2016 ayaan joogaa

Shacabka ayuu sheegay in ay kiicyeen oo uu aaminsan yahay in uu gelayo doorasho toos ah,  Isaga oo dhinacyada ay fadhiyaan Madoobe, Waare, Qoorqoor, Deni iyo Laftagareen faraha ku taagaya ayuu tilmaamay in Baarlamaanka oo ka cabsanayo madaxda Dowlad-goboleedyada uu keenay nuuc doorasho oo aan la ogeyn in ay kuso noqonayaan iyaga oo dhan, caag biyo ah oo agyiil ayuu furay oo biyo ka shubtay waana sii hadlay, (Adiguba biyo cab) waxa uu ammaanay nuuca doorasho ee uu jecel yahay in uu dalka ka dhaco iyo waxtarka uu leeyahay, waa doorasho qof iyo cod ah.

Saddex caqabadood oo xal degdeg ah uga baahan ayuu tilmaamay kuwaas oo uu ku sheegay in ay yihiin:-

  1. Baarlamaanka oo soo taagan oo eh xeer doorasho ayaan diyaarinay
  2. Guddigii doorashooyinka oo leh doorasho waan qaban karnaa
  3. & Walaalaheey (Dowlad-goboleedyada) oo leh  ma joogtaa xaaladdii lagu qaban lahaa howshaa?

Waxa uu muujiyey in isaga iyo madaxda DG ay is calool-xaarteen, ayna ka tashadeed wixii loo sheegi lahaa shacabka islamarkaana ay kahadleen sidii lagayeeli lahaa Dastuurka, Xildhibaanada iyo Sharciyadii ay diyaariyeen loona qiimeyn lahaa duruufta jirta, waxa uu carrabka ku dhejiyey in laga rabo in uu Dastuurka illaaliyo islamarkaana noqdo Waaqici og xaaladda dalka ka jirta.

Waxa uu ku soo gunnaanaday in la isu noqonayo, lana sii wadayo xal raadinta iyada oo aan la eegeyn danaha shaqsiyaadka, waxa uu sheegay in Waddanku meel fiican marayo ayna madax ahaan ku ballameen in danta shaqsiga ah meel la iska dhigo!

Intaas waxa aan u sheegayo waa macluumaad! ma aha Aragti (Opinion) iyo mustaqbalka oo sidii lagu gaari lahaa lagu kala aragti duwan yahay, Baarlamaanka & Dowlad-goboleedyada taas ayaan karbanaa siyaasadna laga tegi maayo

WQ: Ahmed I. Gutale

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post (Faallo) Dareenka madaxdii ka hadashay Shirka wadatashiga xukuumadda dhexe & DG appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII