Faahfaahin guri ku dumay caawa degmada Xamar-weyne magaalada Muqdisho

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Waxaa laga soo saaray dhowr ruux oo nool dhisme saddex dabaq ah oo caawa ku dumay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in loogaga soo saaro dhismaha hoostiisa dad badan oo ku jira kuwaasoo aan la ogeyn tiradooda.

Gurigan oo ku yaal agagaarka masjidka Marwaas ayaa waxaa lahaa qoyska mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federalka.

Lama oga sababta keentay inuu gurigan soo dumo hase yeeshee guryaha dabaqyada ah ee ku yaal degmada Xamarweyne ayaa u badan kuwo muddo dheer dhisnaa.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Faahfaahin guri ku dumay caawa degmada Xamar-weyne magaalada Muqdisho appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII