Faahfaahin: Ciidamada Dowladda oo Garoonka Muqdisho ka qabtay Wasiir ka tirsan Maamulka Jubbaland

Wararka laga helayo Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ay ka qabteen Wasiir ka tirsan Maamulka Jubbaland.4

Ciidamada Nabadsugidda ayaa xiray Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/Nuur [Janan] oo la sheegay inuu la socday diyaarad ku sii jeeday magaalada Addis ababa, isagoo sii maris [Transit] ku ahaa Garoonka magaalada Muqdisho, waxaana wararku sheegayaan in lagu xiray goor dhoweyd xarunta dhexe ee NISA.

C/rashiid Janan ayaa hore Dacwad ay kusoo oogtay Xeer Ilaalinta, waxaana dacwadaasi ay shaacisay Maxkamadda Gobolka Banaadir in la joojiyay markii ay ka noqotay xeer ilaalinta, laakiin dacwado kale ayaa la sheegay in loo heysto.

Arrintan ayaa qeyb ka ah khilaafka weyn ee ka dhashay doorashada Jubbaland oo wasiirka maanta la xiray uu qeyb ka ahaa. Dowladda Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaantay Dib u doorashada Axmed Madoobe oo wasiir C/rashiid Janan uu saaxiib la yahay.

Abdirashiid Janan Kooxdii Dhuxule Caasimada Laga Dajiyey Waan Sugeynaa Waxa Ku Xiga

Slået op af Faduma Ahmed i Lørdag den 31. august 2019

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here