Faah Faahin: Qarax Xooggan oo duleedka Muqdisho lagula eegtay Mas’uul ka tirsan DF

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo uu la socday mas’uul ka tirsan maamulka deegaanka Lafoole iyo ciidamo uu watay.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa sheegtay inay la eegatay madaxa maaliyadda Lafoole, Iimaan Maxumad Cabdow iyo askar ilaalo u aheyd.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dhaawac culus uu qaraxa ka soo gaaray mas’uulkaasi, iyo askartii la socotay sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka Lafoole iyo kan Ceelasha Biyaha oo ku aadan qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa inta badan Qaraxyo kula beegsada deegaanada duleedka ka ah magaalada Muqdisho Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka,Madaxda iyo Saraakiisha Dowladda.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here