Faah Faahin:-Qarax Lala beegsaday Askar Ka Tirsan Jubbaland

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland lagula eegtay deegaan ku yaalla Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Askar ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo saarnaa Gaari nooca dagaalka ah lagula eegtay meel ku dhow deegaanka Buula-guduud, xili ay halkaas socdaal ku marayeen.

Ugu yaraan 10 Askari oo ka tirsan Ciidanka Jubbaland ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaas, halka kuwo kalena uu dhaawac soo gaaray, kuwaasi oo dhammaantood saarnaa gaariga uu haleelay qaraxaas.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha dhinaca Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay Buula-guduud ee duleedka Kismaayo, iyagoo sheegay inay ku dileen 10 Askari oo Jubbaland ah.

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay in gaariga ay saarnaayeen Ciidanka Jubbaland ee qaraxu haleelay oo ahaa Cabdi Bile uu gabi ahaan burburay, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Sare ee Ciidanka maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan qaraxii ka dhacay, isla markaana lagu dilay Askar ka tirsan Maamulkooda, xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Buula-guduud.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Faah Faahin:-Qarax Lala beegsaday Askar Ka Tirsan Jubbaland appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII