FAAH FAAHIN: Qarax Jugtiisa Xooganaa Oo Ka Dhacay Muqdisho

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Qarax Jugtiisa Xaafado badan laga maqlay ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Heliwaa Ee Magaalada Muqdisho iyadoo Warar hordhac ah hadda la helayo.

Saaka ayuu qaraxa ka dhacay Meel ku dhaw Isgoyska Ex Control Balcad,waxaana la sheegay inay aheyd miino iskeed uqaraxday.

Dad kusugnaa Xaafadaha ka ag dhaw Ex Control ilaa Suuqa Xoolaha waxay sheegeen in dhawaq weyn ay maqleen waabarigii.

Waxaa Wadada ay aheyd muddooyinkii dambe mid xiran Ee dhinaca SOS ilaa Ceymiska isku xireysa,maadaama laami la saarayo wadadaasi.

Inta badan wadada Ex Control Balcad ilaa Suuqa Xoolaha qaraxyada ka dhaca waxaa lala eegtaa gaadiidka AMISOM Iyo kuwa Dawlada Soomaaliya isticmaalaan.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII