Faah Faahin: Ciidanka Danab Oo Howlgal Ka Wada Deegaano Ka Tirsan Sh/Hoose

0

Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka ayaa saakay Al-shabaab kala wareegay deegaanno hor leh oo hoostaga Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab ayaa hadda Howlgallo Baaritaanno ah kawada Gudaha Deegaanka Ceel-saliin oo ay saakay la wareegeen, kaas oo dhanka Waqooye 20-KM kaga beegan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in ciidamadu hadda deegaanka ka wadaan hawlo lagu xaqiijinayo ammaanka, iyadoo dadka deegaanka ay soo dhaweeyeen in laga dulqaado Alshabaab oo in muddo halkaas ku sugnaa.

Gobolka Shabeelaha hoose waxaa ka socda hawlgal baaxad leh oo ka dhan ah Al-shabaab, halka deegaanadii dhawaan laga saarayna ay ka socdaan hawlo shacabka lagu caawinayo maamulana looga hirgalinayo deegaaanada la xoreeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here