Faah Faahin:-Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Oo Lagu La’yahay Xeebta Magaalada Marka

Wararka Warkii Online ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Xeebta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Xeebtaas ay ku degtay Doon ay la socdeen Askar badan oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doontan ayaa waxaa saarnaa ku dhawaad 10 Askari oo uu ku jiray Taliyahooda iyo hubkii ay wateen,kuwaasi oo ka tirsan Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga dalka,waxaana Doonta ay kula degtay Xeebta Marka xili ay socdaal dhanka Badda ah ay ku jireen.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in inta badan Askarta la soo badbaadiyay,halka saddex kalena weli lagu la’yahay badda,kuwaasi oo la socday doontii degtay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in uu socdo baadi xoogan oo loogu jiro sidii loo heli ahaa Askarta weli ku maqan Badda,waxaana Muqdisho laga diray dhowr doomood oo lagu raadinayo Askartaas.

Ciidankaan ay la dagtay doontii ay saarnaayeen ayaa la xaqiijiyay in ay ku socdeen safar dhanka Badda ah oo ay ku doonayen inay ku yimaadan Muqdisho, kadib markii ay adkaatay isu socdka wadada xiriirisa Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Al-shabaab miinooyin ku aaseen wadada xeebta ee Marka iyo Muqdisho isku xirta.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here