Eto’o oo ka hadlay Memphis Depay iyo Waxa uu u qabandoono Barcelona

Weeraryahannadii hore ee Barcelona Patrick Kluivert iyo Samuel Eto’o ayaa aad ula dhacay saxiixa Memphis Depay oo xagaagii la soo dhaafay kooxda lasoo wareegtay.

Depay ayaa durba la qabasday kooxda Barca kadib markii uu kaga yimid Olympique Lyon .

Eto’o wuxuu yiri: “Nasiibka ay Barça leedahay waa inay la soo wareegeen Memphis, kaasoo leh waayo -aragnimo naadi oo muhiim ah, wuxuuna muujiyey inuu kooxda hogaamin karo waqti muhiim ah.

“Waxaan u malaynayaa inuu noqon doono kan hogaaminaya kooxda”.

Iyada oo la raacayo hadalka Eto’o, Kluivert wuxuu raaciyay “si aad u wanaagsan ayuu u ciyaartay xulka qaranka waxaanan u malaynayaa in sida uu u ciyaaro ay aad ugu fiicnaan doonto kooxda Barcelona”.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com