Eriksen, Neymar, Pogba, Fernandes, Ozil & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u xidhmay suuqa horyaalka premier League laakiin taas ayaan la macno ahayn in uu suuqu joogsaday maadama ay kooxaha kale ee reer yurub suuqa ugu jiraan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdooda.

Suuqa ayaa ilaa haatan laga sameeyay saxiixyo waaweyn laakiin waxa sidoo kale maalin walba kooxaha lala xiriiriyaa xiddigo ay doonayaan in ay la soo wareegaan si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Hadaba waxa ay Warkii.com idiin soo gudbin doontaa wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysadu ka qoreen suuqa kala iibsiga xagaagan waxana aan idin xasuusinaynaa in ayna kooxda.com masuul ka ahayn wararka laakiin aan ka soo xiganay wargaysyada ku hor qoran.

Kooxda Barcelona ayaa dalab 153 milyan oo euro ah ka gudbisay Neymar si ay xiddiga dib ugu soo celiso Camp Nou xilli heshiisku dhawyahay in la dhamaystiro (Mail).

Napoli ayaa sugaysa heshiiska ka soo baxa Mauro Icardi iyo Inter Milan ka hor inta ayna go,aansan in ay dalab wakhti dambe ah ka gudbiso xiddiga (Mail).

Kooxda PSG ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Raphael Guerreiro (Mirror).

Kooxda Monaco ayaa wali wadahadalo kula jirta kooxda Chelsea kaas oo ay amaah kaga doonayso xiddiga khadka dhexe ee Tiemoue Bakayoko (Mirror).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa sheegay in uu Neymar kala hadlay ku soo laabashada Barcelona (Express).

Real Socidad ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa Daafaca Arsenal ee Nacho Monreal si uu kulankiisa ugu horeeya ugu ciyaaro kooxda jimcaha (Express).

Barcelona ayaa la filayaa in ay Heshiiska Neymar ku darto Ousmane Dembele iyo waliba lacag si ay xiddiga dib ugu soo celiso Camp Nou (Express).

Kooxda Man City ayaa qorshaynaysa in ay suuqa January u dhaqaaqdo saxiixa da,yarka Aaron Hickey kaas oo u ciyaarta kooxda Hearts (Sun).

Tababare Zinedine Zidane ayaa kaliya doonaya xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba (Marca).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Christian Eriksen ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Isaga oo haatan xor isaga tagi kara xagaaga dambe (Guardian).

Kooxda Roma ayaa diyaarinaysa dalab cusub oo ay Liverpool kaga doonayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara ee Dejan Lovren (Corriere dello Sport).

PSG ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay Neymar u ogolaato in uu ku biiro Barcelona laakiin waa hadii kaliya la ogolaado dalabkooda oo dhan £100m, Nelson Semedo & Ousmane Dembele (Sport).

Kooxda Man United ayaa la sheegayaa in ay ka fiirsanaysa in ay suuqa January dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sporting Libson ee Bruno Fernandes (O Jogo).

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegayaa in ayna dhankeeda meesha ka saarin in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernanadez maalmaha soo socda (Correio da Manha).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaan ka tagi doonin kooxda inta lagu jiro xagaagan sida uu sheegay wakiilkiisu (TalkSprort).

Kooxaha Man United iyo Inter Milan ayaa ugu dambayn ka heshiiyay saxiixa xiddiga Alexis Sanchez kaas oo isla maanta u duuli Doona Italy si uu u dhamaystiro heshiiskiisa amaahda ah (Sky Italy).

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here