Erdogan; in Aya Sophia Masjid laga dhigo waxay bishaaro u tahay furashada Masjidka Al-Aqsa.

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa farxad weyn iyo guul ka muujiyay go’aankii Maxkamada sare ee Turkey maanta kasoo saartay kiiskii Aya Sophia oo mudooyinkii u dambeeyay socday.

Maxkamada Sare ee Turkey ayaana maanta kansashay go’aankii golaha Wasiirada Turkiga kaasoo ay 1934tii ugu badaleen Masjidka Aya Sophia kaniisad waxayna Maxkamada sheegtay in go’aankaas uu kahor imaanayo qaanuunka milkiyada maadaama uu iibsaday Maxamed Al-Faatix sidaasna uu Masjid uga dhigay waxayna Maxkamada sheegtay inaan maanta kadib loo adeegsan karin sifo aan Masjid aheyn.

Hadaba Madaxweynaha Turkiga ayaa saacad kadib go’aankii maxkamada soo saaray wareegto Aya Sophia markale dib looga dhigaayo Masjid asigoona sidoo kale Alle uga mahad celiyay inuu Allaah nasiibkiisa ka dhigay noqoshada qofka go’aankaan gaaray.

Erdogan ayaa wuxuu yiri; “Allah ayaa ku mahadsan oo go’aankaan nasiibkeyga ka dhigay” asigoona intaas raaciyay inay tani bishaaro u tahay furashada Masjidka Al-Aqsa oo ay Israel xooga ku heysato.

Dhanka kale shacab weynaha Turkiga ee muslimiinta ayaa siweyn u soo dhaweeyay go’aankii maxkamada ee maanta waxayna dadweyne badan isugu soo baxeen wadooyinka xili qaarkoodna booqasho ku tageen Aya Sophia si ay u cabiraan farxadooda ku aadan go’aanka Maxkamada.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII