Emile Smith Row ” Waa maalintii noloshayda ugu fiicnayd! ”

Emile Smith Rowe ayaa sheegay in goolashii Arsenal 3-1 kaga badisay Tottenham axadii inay ka dhigtay maalintii noloshiisa ugu fiicnayd.

Smith Rowe ayaa dhaliyay goolkii furitaanka wuxuuna u dhigay Pierre-Emerick Aubameyang kii labaad iyadoo kooxdiisu ay ka awood badnayd kooxda ay ku xafiiltamaan waqooyiga London.

21 jirkaan ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee Arsenal gool ka dhaliya Spurs kulan ka tirsan Premier League tan iyo 2014, waxaana uu aad ugu farxay in qoyskiisa ay u soo daawasho tagaan.

“Malaha waa maalintii noloshayda ugu fiicnayd,” ayuu u sheegay Sky Sports ciyaarta ka dib.

“Waxaan mar walba ku riyoon jiray inaan maanta gool u dhaliyo Arsenal kulanka Tottenham, aniga iyo qoyskeyga halkaan, waa dareenka ugu wanaagsan abid”.

Arsenal ayaa badisay seddex kulan oo isku xigta oo Premier League ah si ay u rogto qaab ciyaareedkeeda ka dib markii ay si xun ku bilaabatay ololahan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com