Eeg Kumaa Yimid Xarunta Tababarka Chelsea Maanta? Daawo Sawirada Saxiixa Cusub Ee Chelsea Oo Sameeyay Tababarkiisii Ugu Horeysay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Ka dib markii uu ka soo degay magaalada London habeenkii Jimcaha, Hakim Ziyech ayaa tababarkii ugu horeysay ku qaatay xarunta tababarka Chelsea Cobham maanta.

Xiddiga reer Morocco ayaa si rasmi ah u noqday ciyaaryahan Chelsea ah ka dib markii uu ka soo wareegay kooxda Ajax, inkastoo uusan Blues u dheeli doonin ilaa iyo bilowga xilli ciyaareedka soo socda ee 2020/21.

Ilaa waqtigaas laga gaarayo, Chelsea waxay diirada saari doontaa inay soo dhisto taam ahaanshihiisa madaama ay ugu danbeysay inuu kubad ciyaaro isbuucii ugu horeysay ee bishii Maarso.

Ka dib markii uu yimid xarunta tababarka Cobham markii ugu horeysay, waxa uu sameeyay tababar fudud iyadoo tababare Frank Lampard uu sheegay inuu 27 jirkaan si tartiib ah ugu soo biirin doono tababarka kooxda isbuucyada soo socda.

Kooxda Chelsea ayaa soo bandhigtay sawiradii ay xiddigaan maanta ka qaadeen intii uu joogay garoonka tababarka halkaasoo uu kula kulmay agaasimaha kooxda Petr Cech.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII