Edinson Cavani oo ku Faraxsaneyn Kooxda Manchester United iyo imaatinka Cristaino Ronaldo (Mirror)

Xiddigaha Kooxda Man United ee Edinson Cavani Iyo Cristaino Ronaldo ayaa la sheegayaa in ay isku dheceen iyada oo lagu soo waramayo in uuna xiddiga Edinson Cavani ku faraxsanayn kooxda Man United.

Arintan ayaa imanaya kadib markii ay Man United Edinson Cavani ka qaaday No.7 oo uu kooxda u xidhan jiray si ay u siiyaan xiddiga Cristaino Ronaldo markii uu ku soo biiray kooxda suuqii xagaaga.

Haatan wargayska Daily Mirror ayaa sheegaya in uuna xiddiga reer Uruguay ku faraxsanayn kooxda Man United kadib markii ay isku dheceen xiddiga Cristiano Ronaldo kadib markii uu yimid kooxda.

Arintan ayaa Edinson Cavani Caado u ah marka la eego in ay horay isugu dheceen xiddigaha Neymar iyo Ibrahimovic markii ay wada joogeen kooxda PSG.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com