Eden Hazard oo Fariin Qoraal ah u diray Carlo Ancelotti kadib Kulanka Xulkiisa

Eden Hazard ayaa fariin qoraal ah u diray macalinka kooxda Real Madrid isagoo u sheegaya xaaladiisa ugu danbeesay kadib markii xidigan keydka la dhigay kulankiisa ugu danbeeyay ee Real Madrid.

Mundo Deportivo ayaa soo bandhigtay fariinta xidigan uu u diray macalinkiisa uuna kaga hadlayo arimo dhoor ah.

Hazard ayaa fariintiisa ku sheegay in ay xaqiiq tahay heerka kubadiisa ee liidata lakin waxa uu ku andacooday xaalada corona iyo dhaawacyada soo gaaray.

Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in uu yahay qof jecel kooxda Real Madrid iyo magaalada Madrid isla markana u baahanyahay waqti badan.

Ancelotti ayaa kala wareegay Zinedine Zidane xagaagan ka dib markii tababaraha reer France uu go’aansaday inuu ka tago shaqada waxana durba lasoo warinayaa in macalinkan uu ka tagayo kooxda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here