Duulimaadkii Turkish Airline oo baaqday iyo ciidan badan oo lagu arkay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

Muqdisho (Warkii.com) – Waxaa maanta baaqday duuliimaadkii ay diyaaradda Turkish Ailine ku imaan laheyd Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayo sababta keentay in diyaaradda ay Maanta baaqato iyadoo ku hakatay dalka Jabuuti.

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa saaka lagu arkay ciidamo badan oo ka tirsan Nabadsugidda, waxayna taas keentay shaki ku aadan in Diyaaradda Turkish Ailine uu saaran yahay Agaasimihii xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaasoo ay dacwad ka taalo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo saraakiisha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegaya in Shirkadda Turkish Ailine ay ka cabsatay inuu khalalaaso ka dhasho duulimaadkeeda Maanta oo la rumeysan yahay inuu saaran yahay Fahad Yaasiin.

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa sidoo kale soo gaaray ciidamo kale oo loo maleenayo inay kasoo horjeedaan in Fahad Yaasiin uu yimaado Muqdisho taasoo cabsi ku abuurtay Shirkadda Turkish Airline.

Sababta diyaaradda Turkish ugu hakatay Garoonka Jabuuti ayaa lagu sheegay qalalaase laga cabsi qabo inuu garoonka ka dhaco, markii Maamulka Shirkadda Turkish iyagana ogaadeen ciidanka soo galay gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, Fahad Yaasiin Xaaj Dahir ayaa qorsheenayo inuu soo raaco Diyaaradda Qatar Airweys oo gelinka dambe ee Maanta imaaneyso Magaalada Muqdisho.

Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu Maanta Muqdisho u imaanayo  si uu Berri uga qeybgalo shir la qorsheenayo inuu yeesho golaha Amniga Qaranka taasoo lagu sheegay in lagu soo bandhigayo Kiiska Ikraan Tahliil.

Khilaafka Madaxweynaha muddo xilleedkisiu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta ayaa cirka isku shareeray waxaana laga cabsi qabaa in saameyn weyn ku yeelato guud ahaan dalka Soomaaliya.

Wixii kusoo kordha xiisadda ka taagan garoonka Aadan Cadde kala soco wararkeena dambe Inshaa Allah.


Source: warkii.com