Duqeyn ka dhacday Jubbooyinka iyo Shabeellada hoose.

Diyaarado dagaal ayaa waxaa ay xalay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellada Hoose.

Duqeymahan ayaa ka dhacay saldhigyo  waa weyn oo aad loo ilaaliyo oo Al-shabaab leeyihiin, kuwaas oo ku yaala Degmooyinka Jilib Iyo Jamaame oo ka wada tirsan gobolada Jubbooyinka iyo deegaanka xaramka oo ka tirsan  gobolka Sh/ Hoose.

Dad goobjoogayaal ayaa Warkii Online u sheegay in duqeynta lagu dilay  xubno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana waxaa la tilmaamay in la bartilmaameedsaday saldhigayadii ugu weynaa ee ku yaala degmooyinka Jamaame iyo Jilib oo ka tirsan Jubbooyinka.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa Warkii Online u sheegay in duqeymihii ka dhacay degmooyinka Jamaame iyo Jilib lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Dhanka kale Deeganka xaramka oo dhaca shabeelada hoose ayaa isna la sheegay in xalay lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo safar dhulka ah ku marayey deegaanka Xaramka, waxaana la sheegay in duqeynta lagu dilay 5 ruux oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ilaa iyo hada lama oga halka laga leeyahay diyaaradaha duqeymaha ka fuliyay Deegaano ka tirsan Jubbooyinka iyo Shabeellada Hoose.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here