Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Sh/Dhexe & War kasoo baxay AFRICOM iyo…

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM iyo Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey duqeyn cirka ah oo ka dhcday Gobolka Sh/Dhexe.

Duqeyntan ayaa maanta lagu qaaday Isbaaro ay Alshabaab ku leeyihiin degaanka Hantiwadaag, waxaana lagu dilay hal maleeshiyo, iyadoo lagu burburiyey Bartii Alshabaab ku lahayd halkaasi oo la sheegay inay ku dhibi jireen dadka ku socdaala wadadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Sh/Dhexe.

Qoraallada kasoo baxay AFRICOM iyo Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in duqeynta aysan wax waxyeelo ah kasoo gaarin dadka shacabka ah.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee Duqeyn ah oo Ciidamada Mareykanku ka fuliyaan Gobolka Sh/Dhexe tan iyo sanadkii 2017, iyadoo gobolka uu noqday goob ay si weyn uga howlgalaan Alshabaab.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII