Danjire Tarsan “Safiirka Mareykanka waa tegay Muqdisho, balse lama kulmin Farmaajo”

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka jawaabay warbixin uu shalay baahiyay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya.

Warbixintaas ayaa eheyd in WaKyle McCarter oo ah Safiirka dowladda Mareykanka u jooga Kenya wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi uu ku yiri “Waxaan tagay Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha SoomaaliyaFarmaajo, waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda.”

Danjire Tarsan oo hadalka ka soo yeeray Safiirka Mareykanka ee Kenyana waxa uu yiri, “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.”

Qoraalkiisa oo intaa ka dheeraa ayuu siiraaciyay, “Wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo.”

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here