Dowladda Somalia Oo Mamnuucday Duulimaadyada Kenya Ee Kusii Jeeda Kismaayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucay in duulimaad kasta oo ka yimaada dalka Kenya ee ku socda Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray in diyaaradaha ka yimaada Kenya ee kusii jeeda Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

“Dhammaan duulimaadyada ka imanaya meel kasta oo Kenya ka mid ah ee sida tooska ah u tagaya Kismaayo waa la mamnuucay. Dhamman duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibedda ah ee ku socda garoonka diyaaradaha Kismaayo waa inay soo maraan Muqdisho”ayaa lagu yiri War kasoo baxay Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii diyaarad ka soo duulshay Nairobi ay si toos ah uga degtay Magaalada Kismaayo iyada oo sida siyaasiin kala duwan,taasoo jebisay amar horey uga soo baxay dowladda Soomaaliya.

Go’aankan dowladda ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Kenya iyo Kismaayo ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo maanta la filayo in wafdi ka socday dowladda Kenya tagaan Kismaayo si ay uga qeyb galaan Xaflada Caleema-saarka Axmed Madoobe.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here