Dowladda Qatar oo bilowday ololahii xilka looga qaadi lahaa RW Kheyre

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
214 days
07 hours
21 minutes
09 seconds

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Danjire Hassan bin Hamza Asad.

Safiirka Qatar ayaa ugu horreyn Gudoomiyaha ku wareejiyay warqad tahniyad ah oo ku saabsaneyd hambalyadda maalmaha xurriyada Soomaaliya ee uu soo diray gudoomiyaha barlamaanka Dalka Qatar lana soo marsiiyay danjiraha Qatar ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal iyo danjire Hassan bin Hamza Asad ayaa sidoo kale ka wada hadleen mashaariicyada dawladda Qatar ay ku taageerayso Dowladda Soomaaliya dhinacyadda dhismooyinka iyo hormarinta sidii loo xoojin lahaa.

Sidoo kale ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo halka ay marayaan maadaama kulamadii u dambeeyay barlamaanka ay yeesheen diiradda lagu saarayay hirgelinta doorashooyin ka dhaca soomaaliya 2020-2021.

Waxaa dhawaan safar 10 cisho qaatay ku tagay magaalada Doxa RW Xasan Cali Kheyre, iyadoo la aaminsan yahay in ay dowladda Qatar isku dayeeyso in uu booska banneeyo si MW Farmaajo u helo muddo kororsi, sida ay dadka qaar sheegeen RW Kheyre ayaa dalbaday lacag aad u farabadan, taasoo ay ka biyo diideen dowladda Qatar in ay bixiyaan lacagtaas.

Safiirka Qatar aya la aaminsan yahay in uu Gud. Mursal kala hadlay qaabka ugu fudud ee xilka looga qaadi karo RW Kheyre, waxaana lagu wadaa in xildhibaanada abaabulan ay dowladda Qatar bixin doonto lacagta lagu ridayo RW Kheyre.

Dowladda Qater ayaa ah saaxiibka ugu wayn ee Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya Soomaaliya ka taageera dhinacyada Dhaqaalaha iyo hormarinta dhinacyada Siyaasada iyo amaanka.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Dowladda Qatar oo bilowday ololahii xilka looga qaadi lahaa RW Kheyre appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII