Dowladda Kenya oo ka jawaabtay dacwaddii ay Soomaaliya u gudbisay QM

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa jawaab adag ka bixiyey dacwad ay dhowaan Soomaaliya u gudbisay hay’adda maamulka hawada ICAO ee Qaramada Midoobay.

Sarkaakiishan oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn diyaaraddii siday Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee dhowaan ka degtay garoonka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in Kenya ay u hoggaamsameyso xeerarka caalamiga ah, islamarkaan aysan marnaba ku xadgubeyn hawada Soomaaliya, xaqna ay u laheyd dowladda Soomaaliya in ay qabato diyaaraddaas hawadeedana ay difaacato.

Maalintii Sabtida ee bilaawgii todobaadkan ayaa diyaaradaas oo jabisay xayiraadii dowladda Soomaaliya waxa ay ka dagtay magaalada Kismaayo, waxaana jiray amar ay dowladdu ku mamnuucday diyaaradahii duulimaadyada tooskaa ku tagi jiray magaaladaas, kuwaas oo waajib looga dhigay in ay soo maraan magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo ka carootay arrintaas ayaa  hay’adda hawada ICAO ee Qaramada Midoobey ku dacweysay dowladda Kenya, oo ay ku eedeysay in ay ku soo xad gudubtay hawadeeda kuna tumanayso Kenya sharciga caalamiga ah ee duulimaadyada hawada.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here