Director Priyadarshan oo sheegay sababta ay Shilpa Shetty iyo Paresh Rawal ay duubista filimka Hungama 2 ugu soo laabanayaan bisha Sebteembar

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Xanuunka coronavirus awgiis, waxaa la hakiyay duubista filimo badan oo ay iska leeyihiin shirkadaha filimada kala duwan ee dalka Inida, maadaama la galay bandow si loo xakameeyo faafitaanka xanuunkan.

Waxaa hadda dib u billaabay duubistooda shirkada sameeya filimada Musalsallada, halka Bollywood-ka ay wali sugayaan in dalka uu ku soo laabto xaaladdii caadiga ahayd.

Balse Director Priyadarshan ayaa ku war geliyay kooxda filimkiisa Hungama 2 inay duubista dib u billaabayaan bisha Sebteembar, iyadoo ay duubista filimkan muhiim u yihiin Meezaan, Shilba Shetty, Paresh Rawal iyo Pranitha Subhash, si la mid ah afar caruur ah oo ay da’dooda u dhexeyso siddeed jir illaa 11.

Director Priyadarshan ayaa walaac ka muujinaya muuqaalka caruurta oo is baddelay intii lagu gudo jiray maalmihii bandowga, maadaama uu ku darsamay dherer, waxaana hadda uu director-kan ka fikirayaa sidii uu xalin lahaa muuqaalka caruurta ee is baddelay, maadaama uu saameyn culus ku yeelanayo habsami u socodka muuqaallada filimka, waana sababta ugu weyn ee ku dhalisay in durba la billaabo duubista mashruucan shactirada ah.

Priyadarshan oo ku caan baxay sameynta filimada shactirada ah ayaa lagu xasuustaa Hera Pheri, Hungama, Bhool Bhulaiyaa iyo Hungama 2 oo hadda jidka kusoo jira, waxaana uu shaqada filim sameynta ka maqnaa toddobadii sano ee lasoo dhaafay.

Hungama 2 waa filim shactiro ah, waxaana uu qayb labaad u yahay filimkii Hungama oo ay wada jileen Akshay Khanna, Aftaab Shivadsani, Paresh Rawal iyo xiddigo kale.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII