Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa barqanimadii Maanta Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minashiibiyada.

Goobjoogayaal la hadlay Warkii Online ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa u sheegeen in dilkaas ay fuliyeen rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado,iyagoona dhowr rasaas ku dhuftay Askarigaas xili uu ku sugnaa Xaafadda Kaawo Godey.

Sidoo kale kooxihii ka dambeeyay dilka Askariga ka tirsanaa Ciidanka Minashiibiyada dowladda ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Sooamaliya.

Xaafadda Kaawo Godey Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan ragga dhalinyarada ee ku hubeysan Bastooladaha,waxaana dilalkaas Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here