Diblomaasi Soomaaliyeed oo sabab u ahaa diyaaraddii maanta laga celiyay hawada

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: 2 minutes

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
197 days
08 hours
10 minutes
02 seconds

warkii.com ayaa idiin soo gudbisay in Dowladda Soomaaliya ayaa saaka hawada ka celisay diyaarad laga leeyahay dalka Kenya oo kusoo socotay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen warkii.com.

Diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda duulimaadyada Jetways Airlines oo ka diiwaan gashan Kenya ayaa waxay sidday 80 qof oo rakaab Soomaali ah, kuwaasi oo diyaaradda ay usoo kireysay safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Sida ilo wareedyo ka tirsan laamaha socdaalka & amniga ee Garoonka Adan Cadde ay warkii.com u xaqiijiyeen, waxaa diyaaradda saarnaa lix (12) Jawaan oo jaad ah, waxaana baaritaan kaddib lagu ogaaday in Jaadka diyaaradda ay soo saartay safaaradda Somalia ay ku leedahay Kenya, waxaana lahaa jaadka diyaaradda saarnaa sarkaal magaciisa lagu sheegay Xabiib Cigaal oo ah Qunsulka Safaaradda, kaasoo ay qaraabo dhow yihiin MW Farmaajo. Qiimaha Jaadka ayaa lagu sheegay in uu ahaa $52 kun oo doollar haddii uu gudaha u gali lahaa magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay waxaa warkii.com loo xaqiijiyay in diyaaradda sababta loo celiyey ay tahay qaad lagu soo qariyey, oo la ogaaday markii ay diyaaradda soo duushay.

Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa la sheegay inay dowladda Soomaaliya kusoo war-geliyeen in diyaaradda uu saaran yahay qaad aysan ogeyn oo lagu soo qariyey. Arrintan ayaa la sheegay inay u sameeyeen si ay uga hortagaan in diyaaradda laga mamnuuco Soomaaliya, haddii qaad laga helo marka ay soo degto.

Mas’uuliyiinta shirkadda Jetways ayaa markii hore la xiriiray hay’adda duulista rayidka Kenya ee KCAA, kana codsaday in diyaaradda lasoo celiyo, balse ay u sheegeen inay ka baxday hawada Kenya, taasi oo keentay inay la xiriiraan hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ee SCAA.

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ee SCAA ayaa markii kadib diiday in diyaaradda ay soo gasho Soomaaliya, kuna amartay  inay dib ugu laabato Kenya.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Diblomaasi Soomaaliyeed oo sabab u ahaa diyaaraddii maanta laga celiyay hawada appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII