Waxaa dib u dhac uu ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya 2020 illaa 2021 ee horey loo shaaciyey, kadib heshiiskii ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Sida uu qorshuhu ahaa maanta oo ay ku beegan tahay 1-da bisha November ayaa lagu waday inuu billowdo qorshaha soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixinta, balse waxaa muuqata inuu dib u dhac ku yimid qorshahaasi iyo jadwalkii la shaaciyey.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey 10-20-ka October ee bishii hore in lasoo magacaabo guddiga doorashada, hayeeshee uu dib u dhac ku yimid, welina laguma dhowaaqin guddigaas, walow maamul goboleedyada ay soo dhameystireen xubnihii ku metali lahaa guddiga doorashada iyo ka xalinta khilaafaadka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Dib u dhac-yadan ayaa loo sababeynayaa arrimo farsamo, balse waxaa haatan socda dadaalladii ugu dameeyey ee doorashada oo ay wado xukuumadda Rooble.

Qorshaha ayaa sidoo kale ah in doorashada Aqalka Sare ay dhici doonto 1-da illaa 10-ka December, halka tan golaha shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka December.

Sidoo kale doorashada guddoonka labada Aqal iyo tan maadaxweynaha ayaa dhici doonto 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo ee sanadka soo socda 2021-ka.

Si kastaba dadka falanqeeya siyaasadda iyo sidoo kale hoggaanka xisbiyada mucaaradka  ee ka jira dalka ayaa ka digaya wax kasta oo dib u dhac u keeni kara ama fashilin kara jawdwalkii lagu heshiiyey ee doorashooyinka Soomaaliya 2020/2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here