Dhuuso mareeb Oo Ilaalada Gaarka ah Ee Kheyre Galabta gaareen

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Iyo Ra’iisalwasaaraha Xasan Cali Kheyre ayaa lagu Wadaa in Ay tagaan Magaalada Dhuusa mareeb.

Inkastoo Madaxtooyada aysan ka hadlin Arintaan hadana maalmahaan waa la hadal hayey Khabarkaan ah inay ku wajahan yihiin Caasimada Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in berri oo Talaado ah lagu wado in Ra’iisal Wasaare Kheyre uu gaari doono Dhuusa mareeb.

Ciidamo katirsan Ilaalada Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa galabta gaaray Dhuuso mareeb kuwaas oo hordhac u ah Wafdiga Wasiirka Koobaad Ee Dalka.

Waxaa la filayaa in Madaxda Qaranka ay la kulmaan Madaxda Dawlad Gobolleedyada Dalka ka jira,islamarkaana ay Arimo badan isla meel dhigaan oo wixii la isku hayey la dhameeyo.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII