Dhuusamaareeb Ma ogtahay Dhibaatada Doorashada uu Rabo Farmajo iyo Muddo Kordhinba?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: 2 minutes

Doorasho qof iyo cod waxaaa loo yaqanna marka dadka ay gali safaf dhaadheer si u ay doortan qofka ay rabaan, hasa yeeshee maanta taasi meelkasta oo dalka ka mid ahi kama dhici karto marka laga reebo Somaliland. Shabaabna wararka laga helayaa waxay ballanqaadeen in laga shalleyn doono haddii laba qof meel la isugu keeno oo la yiraado doorta “Muratadiin”.Haddaba Madaxda Maamul Goboledyada oo matala dalka intiisa badan yeysan u kadsoomin labada qorsho ee Farmajo: a) Doorasho qof iyo cod oo ku shubasho ah, haddduu waayo  b) Muddo kororsi uu ku keeno caqabad iyo culeysyo uu abuuro si loo yiraahdo waan daalnay am axal kale ma leh..

Su’aasha qof waliba maankeeda ka guuxeysaa balse dad yar ay og yihiin jawaabtu waxay tahay:

  1. Waxay rabaan NN inay iyagu maamulaan goobaha doorashada, cidda galeysa ee wax dooraneysa kana yeelaan sida ay rabaan natiijada. Beryahanba waxay Fahad iyo Saadiq Joon wadeen barnaamij ID Card (aqoonsiyo) loogu sameynayo dad magacyo laga soo ururiyey oo hadhow loo qeybin doono aqoonsiyadaas dad gaar ah oo la soo xulay ciidanka goobta ilaalinayana ay ogyihiin dadkaas oo kaliya inay codeeyaan.
  2. Waa lagu shuban rabaa mana laha raadraac oo cabsida, ammaan xumida iyo ilaalin la’aanta ayaa waxa la rabaa in gabbaad laga dhigto, iyadoo waliba goobaha qaar laga sameyn doono amaanxumo loogu talagalay si tirada wax dooraneysa loo yareeyo.
  3. Waxay NN ogtahay inay shacbigu naceen oo aysan marnaba ku soo baxayn doorasho cadaalad ah , waaana sababta ay u rabaan inay xoog ku soo noqdaan.
  4. Inaysan dhalan dowlad la xisaabtanta marka ay talada ka tagaan, waana sababta ugu weyn ee kalitaliyayaasha u abuurmaan waayo inta ay xukunka joogaan ayaa waxaa dhacaya khaldaad ay wax ka qaban kareen , masuuliyadana ay laahyeen balse sababo aan sharci ahayn dartood aysan wax u qaban ama u ogolaadeen inay dhacaan , kadibna ay ku abuurto cabsi in xukun la soo taago. Marka waa inay kursiga ku dhintaan oo xataa iyaga ayaa ugu dambeynta is khaarijiya.

Haddaba NN iyadoo taas ka duuleysa oo og dhamaan wixii gefaf ahaa ee ay  madaxda hadda joogtaa iyo kaabayaasheedu ay geysteen ma ogolaan karto inuu dalka helo dowlad ku soo oogta dembiyada ay galeen.

Bal akhristow is weydii MW Farmaajo oo maxakamada taagan oo uu ku mudacayo Qalbidhagax oo leh sidee ayaad dalkeyga  iiga dhoofisay? ama Fahad Yasiin oo ay ku mudacayaan ama dacweynayaan Cabdiraxman Cabdishakuur  iyo reerkii Eng. Yariisow  ama Xasan Cali kheyre oo ay dacweynayaan malaayiinta Xamar deggan oo uu nolosha u diiday ama Guddoomiye Mursal oo maxkamad ay la koreeen xildhibaannadii la soo shaqeyey oo ku edeynaya in barlamnka uu gacanta u geliyey dowlad uu ogyahay inay baabi’ineyso isagoo shilimaad dhaafsiistay.

Waa sababahan iyo kuwa kale oo qarsan oo Farmajo, Fahad iyo Xasan kHyre aysn marnba u ogolaan Karin inay dalka ka dhalato dowlad caddaalad ku shaqeysa oo iyaga ka gooysa wixii ay khalad oo ay u talagal u galeen, musuuliyaddii ay dayaceen iyo caburintii ay sameeyeen, taas oo dalka jilbaha dhulka u dhigtay.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Dhuusamaareeb Ma ogtahay Dhibaatada Doorashada uu Rabo Farmajo iyo Muddo Kordhinba? appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII