DHAGEYSO: Wasiir holac kusii shiday qadiyad maqaar-xanuunjineysa xukuumadda Khayre

Wasiirka Cadaaladda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Abukaate Xasan Xuseen Xaaji, ayaa waxa uu xaqiijiyey in ay jiraan askar ka tirsan ciidanka xoogga aanan la siinin wax mushahar ah.

Balse waxa uu xusay in sababta keentay ay tahay diiwaan-gelinta qaabka casriga ah, taasi oo Wasaaradda Maaliyadda ay waddo, isla markaana ujeedkiisu yahay ka hortaga musuq-maasuqa musharka.

Mr Xasan oo ka hadlayey munaasabad ka qabsoontay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa daboolka ka qaadey in dhowaan askarta ay heli doonan mushaharkooda, wallow uusan muddeyn.

Qadiyadda ku aadan gunnooyinka oo aanna la siinin ciidamadda xoogga dalka ayaa xukuumadda Khayre maqaar-xanuunjineysa maadaama siyaasiyiinta mucaaradka ay u arkeen fursad.

Sidoo kale, arrintaan ayaa waxaa ka gadoodey ciidamo dhowr ah, kuwaasi oo soo faarujiyey fariisimahooda ay ku lahaayeen qaar kamid ah goboladda dalka, taasi oo dhalisay in ay Al-Shabaab la wareegto.

Hoos ka dhageyso codka

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here