DHAGEYSO: Soomaalida Koonfur Afrika oo wadnaha farta ku haya iyo boobkii ugu cuslaa oo socda

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Koonfur Afrika ayaa waxaa soo food-saartay xaalad cabsi ah xili qaybo kamid ah waddankaasi ay ka socdaan rabshado iyo boob lagu beegsanayo xarumaha ganacsatada ajaaniibta ah.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qulqulatooyinkaasi oo salka ku haya naceybka soo galootiga lagu dilay illaa iyo shan ruux, kuwa kalena lagu dhaawacay, isla markaana ay u soo qabqabteen ku dhowaad 50 qof.

Dowladda waddankaasi oo ajaaniinta ka codsatay in ay is-dejiyaan ayaa sheegtay in ay ku dadaaleyso sidii ay wax uga qaban lahayd rabshadaha oo saacadba saacada kasii dambeysa kusii baahaya magaalooyin kale.

Safaaradda Soomaaliya ee waddankaasi ayaa muwaadiniinta oo isugu jira arday, ganacsato iyo qaxooti waxay ugu baaqday in ay baaqi ku ahaadaan goobaha ay ku sugan yihiin, isla markaana ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu caan ku yahay beegsiga ajaaniibta, iyadda oo muwaadniinta u dhalatay wadankaasi ay ku doodayaan in dadka muhaarijiinta ahi ay qabteen shaqooyinkooda.

Hoos ka dhageyso codka

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here