DHAGEYSO: Somaliland Oo Si Kulul Ugu Hanjabtay Puntland

Shalay Gelinkii dambe ayaa waxaa deegaanka Hataaftimo oo hoostaga Magalada Badhan ee Gobolka Sanaag uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Puntland & Soomaaliland,waxaana dagaalkaas ka hadlay Soomaaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in dagaalkaas uu yimid kadib markii sarkaal ka tirsan Maamulka Puntland ciidamo uu wato ay weerar kusoo qaaday Guddoomiyaha Magalada Badhan.

Waxaa uu sheegay in Wasiirka in Ciidamada Soomaaliland aysan u dulqaadan doonin gardaro uu sheegay in uu marwalba kala kulmo Puntland,isla markaana ay iska difaaci doonaan.

Horay ayaa deegaano iyo demooyin ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag waxaa dagaalo ay ku dhexmareen Ciidamao kala taabacsan Soomaliland iyo Puntland wallow bilihii u dambeysay xaalada Gobolada Sool iyo Sanaag ay deganaayeen.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here