DHAGEYSO: Saraakiisha Ahlusunna Oo Fariin U Diray Dowladda Federaalka

Saraakiisha Ciidanka Ahlusunna Waljameeca ee dhawaan lagu qarameeyay Magaalada Dhuusamareeb,isla markaana lagu biiriyay Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in hoos tagaan hogaanka Ahlusuna.

Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Federaalka looga baahan inay fuliso heshiiskii ay la geshay Ahlusunna ayna waxkasto ay u baahan yihiin u soo marsiiyaan hogaankooda.

Sidoo kale Saraakiisha Ahlusunna ayaa tilmaamay in heshiiska dowladda iyo Ahlusunna loo wajaho sidii loogu tala galay,isla markaana laga daayo gacan bidixeyn ay sheegeen in lagu haayo,iyagoo dowladda uga digay inay ka baxdo arrimhaas.

Dowladda federaalka ayay sheegeen inay tahay dowladooda ayna diyaar u ahaayeen inay la shaqeyaan,hayeeshee aysan suuragal aheyn inay iska hor keento iyaga iyo Madax sare ee Ahlusunna.

Si kastaba hadalka qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Ahlusunna Waljameeca kasoo yeeray ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa,iyadoo dhawaan Ciidankii Ahlusunna lagu biiriyay Ciidamada dowladda,isla markaana qarameeyay.

Hoos ka Dhageyso Codka Saraakiisha Ciidanka Ahlusunna.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here