DHAGEYSO: Qoor qoor Oo Hal Arin Shirka Furmaya Ka hor Shaaciyey

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur Ee Magaalada Dhuuso mareeb waxaa lagu soo dhaweeyey Wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen).

Soo dhaweyn heer sare ah oo loo sameeyey Wafdiga waxaa loo galbiyey halkii loo diyaariyey.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa soo dhaweyn kadib Wafdigaan yadadiilo ka muujiyey Natiijo Soomaali Dan u ah inay kasoo baxaan Shirka Dhuuso mareeb ka furmaya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Madaxweyne C/casiis Lafta gareen ayaa dhankiisa ka mahad celiyey qaabka loo soo dhaweeyey markii ay gaareen Dhuuso mareeb.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Shirka Shanta Madaxweyne Dawlad Gobolleed Dalka ka jira ku yeelanayaan Dhuuso mareeb ayaa ah midka ugu hadal heynta Badan Saacadihii lasoo dhaafay Gudaha Soomaaliya,iyadoo Arimo badan la filayo in laga hadlo inta shirkaasi uu socdo.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII