DHAGEYSO: Muuse Biixi oo ka carooday Ciidamo gaar ah oo loo sameeyay ilaalada Badda CAS

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixii Cabdi ayaa sheegay in Soomaaliland ay tahay mid aaminsan nabadgelyo in lagu wada noolaado,isla markaana ay diyaar u yihiin inay kala Shaqeeyaan cid kasta oo dooneysa nabad.

Waxa uu si cad uga soo horjeestay Ciidamo dhawaan loo sameeyay Badda- Cas,kuwaas oo difaacadaya Badda,waxaana uu sheegay in shirka lagu sameeyay Ciidamadaas aysan jirin cid ku mataleysay Soomaaliland,isla markaana aysan aqbaleyn.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay si adag u difaacaneyso badeeda laguna soo xadgudbi karin,waxaana uu sheegay in Soomaaliland ay qeyb ka tahay waxkasta oo lagu hormarinayo Caalamka ayna soo dhaweynayaan cid kasta oo wax la qeybsaneyso.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Soomaaliland ay xiriir gaar ah la yeelatay Taiwan sidoo kalena Wafdi ka socday Dowladda Masar ay soo gaareen Hargeysa lana kulmeen Madaxweynaha Soomaaliland & Xubno kamid ah Golaha Wasiirada.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII