DHAGEYSO: Mas’uul Ka Tirsan Galmudug oo Sheegay in uu Jiro Heshiis Dhexmaray DFS iyo Ahlusuna

0

Xili Maamulka Galmudug garabka Dhuusamareeb la sheegay inuu wajahayo khilaaf soo kala dhexgaley madaxda sare sida Madaxweyne Xaaf, Sheikh shakir iyo macalin Maxamuud ka dib markii la sheegay iney ku kala aragti duwanaadeen xiliga ay dhaceyso doorashada galmudug waxana arintaasi kahoryimid madaxweyne xaaf.

Kulamo aan loo kala kicin ayaa xaley ka socdey Magaaladda Dhuusamareeb kuwaas oo uu u dhexeeyay madaxda Ahlusuna iyo xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maliyadda Mamulka Galmudug garabka Cadaado Cismaan Dheere oo la hadley warbahinta Warkii Online ayaa sheegay in Madaxda sare ee Ahlusuna Dowlada Soomaaliya iney isku afgarteen qodobo dhowr ah waxa uu sheegay in dhankooda ay doonayaan in la isku yimaado oo wado hadal lagu dhameeyo wax walba.

Waxa uu sheegay iney soo dhaweynayaan in dib loo dhiso maamulka galmudug,islamarkaana la xaliyo khilaafka madaxda galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here