DHAGEYSO: Madaxtooyada Soomaaliya Oo Mashquulkii Ugu Badnaa Ka Jiro

Loolan Adag ayaa loogu jiraa Xilka Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir oo siyaasiyiin dhowr ah ay wada raadinayaan.

Saxmad badan ayaa ka jirtay Maalmihii dambe Madaxtooyada Soomaaliya oo ay kusii qul qulayeen dad Siyaasiyiin ubadan iyo Odayaal Xilka Gobolka iyo Cida loo magacaabayo ayey dhamaantood utegeen Xafiiska madaxweynaha.

Siyaasiyiin dhowr ah ayaa waxay baratankooda umarayaan hadba sida ay ufuliyaan Awaamiirta Madaxda Qaranka islamarkaana ay soo gudbiyaan Afkaarta Nabad iyo Nolol.

Waxa isweydiinta tahay in la ogaado maxaa Caqabad ah oo horyaalla Gudoomiyaha Cusub Ee Loo soo magacaabayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho.

Gudoomiyaha Ururka Bulshada Rayidka Cusmaan Muxuyadiin Shaatax ayaa ka hadlay waxa looga baahan yahay Shakhsiga Qaban doona Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho.

24-kii Bishii hore ayaa Qarax lagu dilay Mas’uuliyiin uu ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir Xilligaas waxaa dhaawac uu soo gaaray Gudoomiyihii Gobolka C/raxmaan Yariisoow kaas oo isna isbuuc kadib udhintay waxyeelada soo gaartay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here