DHAGEYSO: Kulamo xasaasi ah oo ka bilowday Dh/mareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa saacadihii la soo dhaafey ka socdey kulamo ku saabsan sidii xal loogu raadin lahaa khilaafka weli hareeyey dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ay kulamo la qaateen musharixiinta Madaxweynaha Galmudug,waxaana kulanka looga hadley sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Galmudug iyo Arrimaha Madaxweyne Xaaf.

Musharax Cabdi dheere oo kamid ah musharixiinta Madaxweynaha kana qeyb galey kulanka ayaa sheegay in kulanka looga hadlay in doorashada soo socota ay noqoto mid xor iyo xalaal ah sidoo kalena musharixiinta waqti la siiyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka hadleen qalalaad dhinaca doorashooyinka ah oo dhacey,isla markaana ay isla qaateen in xal laga gaaro arrinta tabashada ah ee uu qabo Madaxweyne Xaaf.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here