DHAGEYSO: Jubbaland Oo Diiday Inay Mas’uuliyiin Udirto Muqdisho+Waxa Jira

Dawlada Federaalka soomaaliya ayaa waxay maanta ka furtay Muqdisho Shir looga hadlayo Arimaha Warfaafinta.

Shirkaan waxaa furay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,isagoo sheegay inuu shirkaan yahay mid wadatashi ah.

Wasiirka waxa uu sheegay in seddexda maalin uu socdo Kulanka rajeynayaan in wax badan la iska kaashado.

Maamulada Koonfur Galbeed,Galmudug,HirShabelle iyo Puntland ayaa kulanka xaadiray,xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale kusugnaa.

Gebi ahaanba shirka kama aysan qeyb aheyn Maamulka Jubbaland oo Xurguf siyaasadeed waayahaan ka dhex jiray Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Warar hoose ayaa sheegaya in Jubbaland ay diiday in Xubno udirto Shirka islamarkaana ay ku adkeysaneyso go’aankii wada shaqeynta ku hakisey Dawlada Dhexe la laheyd.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here