DHAGEYSO: Gudoomiyaha Yaaqshiid Oo Si Kulul Uga Hadlay Qaraxii…

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muuse Geeseey Jimcaale Oo Wareysi bixiyey Duhurnimadii ayaa waxa uu ka hadlay Qarax la sheegay in isaga lala beegsaday Maanta Barqadii oo ka dhacay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in isaga aan lala beegsan Qaraxaasi islamarkaana wararkaasi ay yihiin mid waxba kama jiraan ah.

Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka la geliyo waxaana uu Gudoomiye Muuse Geeseey inoo xaqiijiyey in Sargaal katirsan Maamulka Gobolka Banaadir laguna magacaabo Cumar Sheekh Xuseen lala eegtay.

Maamulaha Mashruuca Dib udhiska Maamulka Gobolka Banaadir ayuuna ku magacaaban yahay Mas’uulka la weeraray.

Gaariga la qarxiyey ayaa ahaa nuuciisa Qooqan,iyadoo Labo Askari Ay kaga dhaawacmeen Weerarkaasi oo ka dhacay Godka Siisii Ee udhaxeeya Isgoysyada Sanca iyo Fagax.

Waxa uu gudoomiye Muuse Geeseey Sheegay in Goobta uu tegay Xaladana ay caadi kusoo laabatay daqiiqado xirneyd.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII