DHAGEYSO: C/raxmaan C/shakuur Oo Sir Ka Bixiyey Wafdi Kenyaan Ah Oo Villa Somalia Yimid

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Mucaaradka Dawlada Soomaaliya kuwooda ugu weyn ayaa ka hadlay weji gabax ay la kulantay Dawlada Federaalka.

Wareysi uu bixiyey C/raxmaan C/shakuur ayuu sheegay in Jubbaland doorashadii ka dhacday ay ku fashilantay Dawlada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in doorashada aheyd mid uu ku qancay sida loo maray,balse dad dhaliilsan jireen oo aan loo dhameyn,iyadoo uu sheegay in Xukuumada Soomaaliya ugu baaqayaan in ay la shaqeeyaan Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay C/raxmaan C/shakuur Warsame Wafdigii Kenyaanka ee ka qeyb galay Caleemo saarkii Kismaayo 12-kii Bishaan iyo Xad gudubkii Kenya sameysay.

Isbar bar dhig ayuu ku sameeyey wafdi Kenyaan ah oo Madaxweyne Farmaajo Villa Soomaaliya ugu yeertay arinta Jubbaland ayuuna kala hadlayey Markaasi sida uu sheegay.

Waxa uu Shakuur sheegay in ay khalad tahay in markii dantaada keliya fiirsaneyso ay sax noqoto mar kalena ay xad gudub qaraxan tahay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here