Dhagayso:-Al Shabab oo la timid xeelado cusub, iyo dhaqanka oo tageeray

Ururka Al Shabaab ayaa wax ka badalay siyaasadooda la xiriirta qaabka ay ula dhaqmaan dadka shacabka, ardayga , ganacsatada, gaar ahaan oday dhaqameedka iyo culumaa’udiinka.

Al Shabab oo horay looga bartay in ay dilaan dadka ka soo horjeesto mabaa’diidooda ayaa hadda bilaabay in ay soo dhaweeystaan shacabka iyaga oo u furayo tababaro isla markaana ku caawinaya dhaqaale kuwooda taagta daran.

Wajiga cusub oo ay la timid kooxda  Al Shabaab ayaa u muuqda mid ay doonayaan in  helaan qalbiga iyo taageerada shacabka. Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa dhibaatooyin badan ku qaba dowlada Fedaraalka kuwaas oo ay ku jiran xadgudubyo iyo ku tagrifalka awooda dowladnimada.

Al Shabaab oo ay ka dhex arka fursad kala fogaanshaha ay kala fogaadeen dowlada  Fedaraalka iyo shacabka ayaa dhawaan waxa ay tababaro u fureen odaayaasha dhaqanka ee soo xulay xubnaha Baarlamaanka  Fedaraalka. Inta uu socday tababarkaas ayaa odoyaasha dhaqan waxaa la siiyaya tababar lagu sheegay in uu yahay mid diini  ah iyo mid lagy barayo mabaa’diida Al Shabaab.

Inta uu tababarku socday ayaa odoyaasha dhaqanka waxaa la siiyay lacago sooryo soo dhawayn iyo sakootinba isugu jirto, dhar ay ku labistaan iyo hadiyado ay u qaadaan dadkii ay ka soo tageen.

Halkaan ka dhagayso odoyaasha dhaqanka oo ka hadlaya waxa ay ka filayeen kooxda Al Shabaab iyo  wanaaga ay kala kulmeen.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here