DFS oo bilowday dhaqan-gelinta qorshaha ay jilbaheeda ku hoos-keenayso Axmed Madoobe

Dowladda Federaalka ah ayaa waxay si rasmi ah u bilowday dhaqan-gelinta qorshe in muddo ah socday kaasi oo ujeedkiisu ahaa in ay kusoo dabciso Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland.

Istaraatiijiyadda oo ah mid heerar kala duwan leh isla markaana aad looga baaran degay ayaa waxaa ugu horeeya baajinta xafladda caleema saarka Axmed Madoobe oo 26-ka bishan loo madalsan yahay.

Si uu u hirgalo qorshahaas, waxaa ay xayiraadyo saartay diyaaradaha tegaya Kismaayo oo ay shuruudo adag ku xirtay.

Shuruudaha ayaa waxaa ugu horeeya in diyaaraduhu soo maraan Muqdisho iyo in ay isa soo diiwaan-geliyaan 24-saac kahor inta aysan u dhoofin magaala madaxda gobolka Jubadda Hoose.

Ahmiyadda ugu weyn ee go’doomintan ayaa ahayd in ay kala shaan-dheyso madaxda ka qeybgaleso xafladda caleema saarka oo la rajeynayo in ay wajiyo mucaaradsan dowladdan ay kasoo muuqdaan.

Dabinkaas waxaa markii ugu horeysay ku dhacay Shariif Shariif Axmed, madaxweynihii hore ee dalka, kaasi oo markii dambe loo ogolaaday in uu u safro caasimadda ku meel gaarka Jubbaland.

Sikastaba ha ahaatee, xiriirka Villa Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid aanan hagaag-saneyn, waxaana dab kusii shiday guushii Axmed Madoobe oo ay dowladda federaalku qaadacday.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here